Site icon Qaamuus

jawaabta

khudaar
(m.dh)

ld khudrad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh khudaar

dabacase [m.l]
Geed nagaar khudaarta la cuno ka mid ah, oo caleen ballaaran iyo buruq dhuuban oo dhulka ku xabaalan leh; karooto.

istaarj [m.l] (-jyo, m.dh)
(baay.) Booli-sakraydh ka kooban saamiyo kala duwan oo leh gulukows, boolimeer, amilows iyo amilobektin. I.ka badanaa waxa laga helaa dhirta, gaar ahaan, xiddiddada, tuyuubarka, iniinyaha iyo khudaarta, sida kaarbohaydrayt tamar kayd. Haddaba i.ku wuxuu xayawaanka u yahay il tamareed. Marka la dheefshiido marka u dambaysa waxa laga helaa gulukows. Xubuub kas.ku kuma milmaan biyaha qabow, laakiinse haddii la kululeeyo ay burburaan oo waxay sameeyaan milan isjiidanaya.

khudrad [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dhir yaryar oo ka kooban ubax, caleemo iyo xididdo oo dadku cuno, cuntadana ku darsado. ld khudaar.

sanuunad [m.dh]
Iidaan ka samaysan hilib, khudaar, dufan iyo geedo udgoon oo la isku shiilay; suugo.

Liin Bambeelmo []
waa midho ka mid ah khudaarta gaar ahaan qoyska liinta. Midhaha geedka liin bambeelmadu waa mid ka weyn dhamaan noocyada kala duwan ee liinta, waxayna leedahay biyo badan oo dhanaan iyo macaan iskugu jira. Liin bambeelmadu waa geed la isku talaalay oo markii ugu horeeysay si shil ah la iskugu talaalay liin macaan iyo geedka Bomelo ee laga helo koonfurbari Aasiya. Gasiirada Barbados ee Kaariibiyaanka ayaa si lama filaan ah nin beeroole ahi iskugu talaalay geedka liin macaanta iyo bomela halkaasi ooy ka soo baxdey liin bambeelmadu.[1] Markii ugu horeeysay ee la arkey waxa ka soo baxay talaalkaasi waxaa loo bixiyey "khudaartii la xaaraantinimeeyay" (forbidden fruit);[2] waxaana loo fahmey ineey tahay bomelo sumoowday.[3] Wadanka Soomaaliya waxaa aad uga baxa liin bambeelmada. Gobolada koonfurta waxay aad ugu caan yihiin beeraha liin bambeelmada iyo muuska oo labadoodaba loo dhoofiyo caalamka.

Liin Dhanaan []
waa midho ka mid ah khudaarta oo ka tirsan qoyska liinta. Liin dhanaantu waxay caan ku tahay dhadhankeeda dhanaanka ah iyo biyaha asiidha badan ee laga helo midhaheeda. Geedka liin dhanaantu waa mid waligiis cagaar ah oo ka dherer gaaban geedaha kale ee liinta. Sidoo kale liin dhanaanta waxay aad iskugu dhow yihiin xaga dhadhanka iyo walxaha ay ka samaysan tahay midhaha liin qarbooshta, waxayna kaliya ku kala duwan yihiin midabka cagaaran ee liin qarbooshta. Intaas waxaa dheer in liin dhanaantu ka dhanaan badan tahay liin qarbooshta.[1][2] Isla markaana leedahay tiro badan oo nafaqada jidhku u baahan yahay ee fiitamiin-Sii.[3] Guud ahaan, liin dhanaantu waxay ka baxdaa wadamo badan oo caalamka ah, kuwaasi waxaa ka mid ah Soomaaliya, laakiin waxoo u badan yahay dalka Hindiya. Liin dhanaan, waxaa aad looga isticmaali jiray, wadamada aasiya, kumanaan sano ka hor. liinta dhanaan, waa geed mirahiis, oo jaale ama cagaar ah. dhaxda waxee ku leedahay hilibkii liinta, oo ubax camal u sameesan,oona ah biyo dhan ah. liinta waxaa lagu isticmaala Cuntada ama Biyaha cabiyaanka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version