khudbad
(m.dh) (-do, m.l)Hadal dad badan hortii laga jeediyo. ld khudbo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh khudbad ↴
jeedi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax foolkoodu jiho gaar ah ku aaddanaa meel kale u duwid. 2. Cid hawl ay fulin lahayd ka hoosaasin. 3. Hadal, khudbad, iwm meel fagaare ah ka sheegid.
khaddiib [m.l] (-bbo, m.dh)
Ninka khudbadda jimcaha ka akhriya masaajidka.
khudbo [m.dh]
ld khudbad.
mimbar [m.l] (-rro, m.dh)
(dii.) Meel masaajidka gudihiisa ku taal, kor u qaadan, oo qofka khudbadda wacdiga akhriyayaa fuulo, si uu u muuqdo, codkiisana loo maqlo. ld mambar, minaawar.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg