kicin
(m.l)Isbeddel daruuraha iyo hawada gala kolka xilliga roobku bilaabanayo; kacsan.
kicin
(m.f.dh)eeg kici.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kicin ↴
gaadaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore isku xirid si aanu u kicin.
gaadaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin.
haadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati. haati
ee [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e. e
uugaabo [m.dh]
Qaylo kicin iyo tirtirsi leh oo dad loo jeediyo; guubaabo.
uuree [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Uur u yeelid (siiba naag aan la qabin). 2. Uuro kicin.
xamakow [m.l]
Geed aan dhulka ka kicin oo leh laamo buurbuuran oo wada hilib iyo biyo ah oo dusha kurtummo yaryar oo badan ku leh.
abris [m.l] (-syo, m.dh)
Halaq madow oo gaaban oo waabaayo halis ah leh, oo afka iyo dabada wax ku qaniina inta badanna aan suntiisa laga kicin.
awaare [m.l]
Ciid buda ah oo cagta, dabaysha iwm. si sahlan u kicin karaan.
awaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax soconaya habaas kicin.