kiisa
(mu.lh.l)(kuwiisa, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Buuggaaga qaado kiisana meel u dhig”.
kiisa
(dk.lh.l) (-kiisa)Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Aaway qalankiisa?”. ld kiis³, ki, kii².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kiisa ↴
urre [m.l]
Aboorka kiisa labka.
awr [m.l]
(awr, m.dh) 1. Geela kiisa lab; rati. 2. A. cirka: urur xiddiga ah oo qaab rati leh.
diiq [m.l]
1. ld diig (-qaq, m.l) Digaagga kiisa lab. 2. Kalluun yaryar oo gudguduudan. 3. Ciriiri. 4. D. ah: si dhib leh.
ki [dk.lh.l] (-ki)
ld kiisa².
kii [dk.lh.l] (-Kii)
ld kiisa².
kiis [dk.lh.l] (-kiis)
ld kiisa².
kiisad [m.dh]
ld kiishad.
kiishad [m.dh] (-do, m.l)
Suun la xirto oo leh jeeb ama laba oo lacagta iwm. lagu rito. ld kiisad.
kii [mu.ac.l]
kuwii, w Magacuyaal aan cayinnayn oo lab, oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tus. “Kanu waa kii beryahanba aan raadinayay”: “Kii baa yimid”.
kii [dk.lh.l] (-Kii)
ld kiisa².
kii [q.l] (-kii)
Qodob magac lab dib looga qodbo, kaasoo tilmaamaya waxay hadlaha iyo maqluhu isla ogyihiin. Tus. “Ninkii baa yimid”