kolmo
(m.l)(nax.) Astaan qoraal (“ “) oo sida badan loo adeegsado iyadoo labo labo ah oo hor iyo gadaal laga mariyo hadal, weer, erey, si loo muujiyo hadalka tooska ah, yacni sida qof afkiisa uga soo baxay (tus. Cali wuxuu yiri: “berri baan imanayaa”).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kolmo ↴
astaamayn [m.dh]
(nax.) Astaamo lagu kala qaybiyo hadal qoran sida: hakad, joogsi, kolmo, bilo, laba dhibcood iwm.
kolmaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax kolmo loo yeelay ahaansho.
kolon [m.dh] (-lmo, m.l)
1. Labo cad oo yaryar oo dhuudhuuban oo cunaha ariga qaarkiis ka baxa midkood. 2. Buro jirka meel ka mid ah ka soo baxda oo laallaadda. 3. (w) eeg kolmo.
meerkac-dabayleed [m.l]
(c.cimi.) Kolmo yar oo dabayleed oo degdeg ugu wareegaysa dhidib taagan ama wax yara janjeedha, oo dhexda ku leh meel cadaadiska jawigu hooseeyo. Marmarka qaarkood way dheertahay, lamadegaannadana waxay ka kicisaa siigo, ama, qiyaas yar; xanfaley.
kol [m.l]
1. ld kal 1. (kolal, m.l) Waqti, jeer; mar. Tus. “Cali kol baan arkay”. 2. K.ba: mar walba. 3. K.ka: haddaba, sidaas darteed. 4. K.kiiba: isla waqtigii. 5. K.naba ama k.laba: si kastaba; dhab ahaan. 6. Waa k. iyo laba: marmar buu dhacaa.
kol [Xiriiriye | Conjunction]
K.ka ama k.kii: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Kolka uu geelu oomo ayuu olol badnaadaa.”