Site icon Qaamuus

jawaabta

koloraydh
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective) (-dyo, m.dh)

(kiim.) Iskudhis uu ku jiro koloriin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh koloraydh

naatariyam-koloraydh [m.dh] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.

balaasma [m.dh]
(c.nafl.) Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.

dhidid [m.l]
(c.nafl.) Dareere qashin ah, oo ka kooban milan biyeysan oo soodhiyam koloraydh, yuuriya yar iyo walxo kale. shaqadiisu waxaa weeye qaboojinta jidhka iyo joogteynta heer kulka naasleyda.

haydarokoloorik asiidh [m.l] (-dyo, m.dh)
(kiim.) (HCl) Hoor bida oo midablaawe ah oo sameysma marka haydarojiin koloraydh lagu daro biyo.

meerkiyuuroos-koloraydh [m.l]
(kiim.) Iskudhis ruushi cad ah oo aan ku milmin biyaha (kalomeel Hg Cl).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version