Koo
(mu.ti.l)(kuwoo, w) Mgacuyaal tilmaame oo lab, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado.
koo
(mu.ac.l)(kuwoo, w) 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. 2. (t) ld kow.
Hankool*
waxaa loo isticmaalaa reera marka uu guuro ayaa ooda lagu oodayo xaalaha ama xitaa guriga reerka marka gudinta lagu soo jaro ayaa lagu soo jiidaa ka dibna isla ayadii ayaa lagu dhisaa moorada xooolaha
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh koo ↴
a [m.dh]
(a') Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.
i [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaa-
maya qofka koowaad ee kelida ah, oo laga
hadlaayo.
ubbo-ubax [m.dh] (-xo, m.dh)
(bot.) Qaybta dheddigga ee ubaxa, taas oo ka kooban hal kaarbale, ama koox kaarbale ah.
na [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus.
“Idinkaa na siiyay buuggan”.
kaadi [m.dh]
(baay.) Dareere biyo ah oo ay
sameeyaan organnada qashinsaarka ee
xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka
soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare,
kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu
keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga
qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha.
Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu
muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay
waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada
naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha
yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan
orgaanik ahayn.
raabaraabe [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb] (-bayaal, m.l/dh)
Laba kooxood ama wax ka badan oo kala
dandambeeya isku jihana u socda; kooxkoox.
ld raaberaabe. raaberaabe
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
ubuc [m.dh] (-cyo, m.l)
Qaybta hoose ee jidhka xayawaanka. Waxay ka koobantahay caloosha, mindhicirrada iyo organnada
qashinsaarka iyo taranka.
faag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Dhul iyadoo aan hoos loo dheereyn qodid. 2. Geed, koor iwm laga qorayo qaabayn.
daabbulad [m.dh] (-do, m.l)
Xirmo ka kooban boqol marduuf oo jaad ah. ld daabbule. daabbule
k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.