koofur
(m.dh)Jiha waqooyiga liddiga ku ah. ld koonfur.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh koofur ↴
laama [m.dh]
(c.nafl.) Naasley geela la bah ah oo aan kurus lahayn, lagana helo Ameerikada koofureed, leh sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheer iyo dhogor jilicsan, cufan oo dhaadheer oo la rarto, hilibkeedana la cuno, dhogorteedana dhar laga sameeyo.
wadaamaggoysyo [m.dh]
Cutub xiddigo oo ka mid ah kuwa koonfur, waa if xiddigood afar baase ah u iftiin badan oo ishu si fudud u qaban kartaa, afartu waxay u egyihiin istalaab oo waxaa loo yaqaan istallaabta koofur, waxayna u dhowyihiin awrka cir; wadaamaqubo. ld wadaamaggoys, wadaamaqubo.
wadaamagooye [m.l]
(c.fal.) Koox afar xiddigood ah oo laga arki karo kubbad-badhka koonfureed, oo u habeysan qaab laanqayreed, dhibibka ugu dheer ee barahooduna uu yahay koonfur; haddii dhidibkaas la fidiyo 4 jeer dherekiisa, waxa soo baxaya bar u dhowr cidhifka koonfureed. Marka kooxdaa xiddigaha ah waxa lagu isticmaalaa kubbad-badhka koofureed, sida xiddig cidhifeedka kubbad-badhka waqooyi, si jihada loo ogaado.
xagaayo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Roob ka da'a xeebaha gobollada koofureed. 2. Xilliga roobkaasi da'o.
junuub [m.l]
1. ld jinaabo. Shahwada ka timaad qof hurda. 2. Afarta joho ee waaweyn mid ka mid ah oo u dhexeysa bari iyo galbeed, kana soo horjeeda woqooyi; koofur.
koonfur [m.dh]
ld koofur.
moosin [m.l] (-nno, m.dh)
1. Dabayl xilli ku socota oo ka dhacda badweynta Hindiya iyo Aasiyada koofureed. 2. Xilli; wakhti. 3. Nooc ka mid ah doonyaha.
musareen [m.l] (-nno, m.dh)
1. Laba xiddig oo waaweyn oo ka soo baxa cirka dhankiis koofureed. 2. Dabayl sanadka bishiisa koowaad ama labaad ka dhacda woqooyiga Soomaaliya.
sirooko [m.dh]
(juqr.) Dabayl koonfareedda ka dhacda woqooyiga Afrika, Sisily (Sicilia), iyo koofurta talyaaniga, oo ka soo kacda saxaaruhu, waa kulushahay, qallalantahay, marmarka qaarkoodna waa bus miidhan.