kooma
(m.dh)Miyirbeel.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kooma ↴
galawkooma [m.dh]
(daaw.) Xaalad cudureed oo cadaadiska isha dhexdeeda uu aad u sarreeyo wuxuuna keeni karaa indhabeel.
sarkooma [m.dh]
(daaw.) Kansarka sooha xiriirka cudurkan wuxuu ku dhici karaa meelwalba oo jirka ka mid ah, maadaama uu ka kaco sooh xubin wax ka sameeya ee uusan gaar u ahayn xubin khaas ah. Wuxu ka kici-karaa: sooh mayraxeed, muruq, baruur, laf, carjow, xuubka xubno isgoysyada (synovium), xididdada dhiigga iyo liinfada iyo soohyo kala duwan oo kale.
tarakooma [m.dh]
(daaw.) Cudur indheed muddo dheer oo la isqaadsiiyo: nooc daran ee infekshinka xoobka indhaha oo uu keeno jermi u dhexeeya fiiruska iyo baktiiriyada oo la yirahdo “chlamydia trachomatis” cudurka wuxu ku badanyahay dalalka kulul.
Koo [mu.ti.l]
(kuwoo, w) Mgacuyaal tilmaame oo lab, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado.
koo [mu.ac.l]
(kuwoo, w) 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. 2. (t) ld kow.