Site icon Qaamuus

jawaabta

korid
(m.f.dh)

eeg kor².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh korid

taddawur [m.l]
(c.nafl.) Hab soo korid ah, oo aan hakad lahayn, oo leh horumar gaar ah oo ku xiran waqti go'an.

taf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Meel aan sallaan loo fuulo lahayn korid. 2. Cid turunturreyn.

barbaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Barbaar noqosho; korid.

dhusinraac [m.l]
(baay.) Koridda xubno ka tirsan geedka iyaga oo ka jawaabaya cuf-isjiidadka.

fano [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ntay, -natay)
Meel fuuliddeedu dhib tahay, xeelad ku korid.

fardafuul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-uulay, -uushay)
Faras dusha ka korid.

ifraac [m.l] (-cyo, m.dh)
(baay.) Koridda organno ka mid ah geedka ay koraan iyagoo u jawaabayo ilayska. Xiddo haweedyadu waxay sida badan u koraan dhinaca ilayska iyada oo xididdo haweedyaduna ay u baxaan dhinaca ku liddiga ah ilayska.

istroojin [m.l] (-nno, m.dh)
(baay.) Koox hormoonno ah mid ka tirsan, sida: istiriyool, istiroon iyo istradiyool, kuwaasoo suga koridda qaab dumareedka ayagoo horumarinaya koritaanka iyo hawlqabadka xubno jinsiyeedka dumarka iyo qaab jinsiyeedka labaad ee dumarka sida: korista naasaha.

koboc [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bcay, -bocday; -bci)
1. Nafley yar cayilid. 2. Dhaqaale iwm korid.

kor [m.l]
1. Meel sare; dul. 2. Wada jirka xubnaha nafleyda, madax, gacmo, lugo iwm; oogo; jir.

kor [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Nafley markii fil ku kordhaba weynaan iyo dherer yeelasho. 2. Meel sare lug ku fuulid ama wax dusha ka fuulid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version