korme
(m.l) (-mayaal, m.l/dh)Faras qoor ah oo loo reebo in uu fardaha boodo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh korme ↴
gaafmeer [m.l]
1. Socodka uu qof sameeyo isaga oo iska ilaalinayo in ay cidi aragto; kormeer; afmeer. 2. ld gaafmeerid. ld gaafammeer¹, gaafwareeg¹. kormeer, afmeer, gaafmeerid. gaafammeer, gaafwareeg
gaafmeer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Meel cidla ah socosho iyada oo layska ilaalinayo dad; kormeerid; afmeerid. ld gaafammeer², gaafwareeg². kormeerid, afmeerid, gaafammeer, gaafwareeg
indha-indhee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-dheeyay, -dhaysay)
Wax kormeerid.
kormeer [m.l] (-rro, m.dh)
Baaris iyo ka warqabid hawl iwm socodkooda iyo baahidooda.
kormeer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Hawl iwm socodkooda u kuurgelid.
kormeere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Qof ay hawshiisu tahay inuu wax soo kormeero. 2. Askari darajadiisu ka korreysa saddex alifle kana hooseysa xiddigle.
kormeerid [m.f.dh]
eeg kormeer².
madaxtus [m.l]
1. Tegidda la tago meel hawl laga hayo iyadoo aan la doonayn in laga qayb qaato. 2. Kormeer aan toos ahayn oo cid hawl haysa lagu sameeyo. ld madaxtusid.
madaxtus [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
1. Meel hawl laga hayo,iyadoo aan la doonayn in laga qayb galo, tegid. 2. Cid hawl haysa kormeer aan toos ahayn ku samayn.
kor [m.l]
1. Meel sare; dul. 2. Wada jirka xubnaha nafleyda, madax, gacmo, lugo iwm; oogo; jir.
kor [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Nafley markii fil ku kordhaba weynaan iyo dherer yeelasho. 2. Meel sare lug ku fuulid ama wax dusha ka fuulid.