laf
(m.dh) (-fo, m.l)1. Mid ka mid ah qalfoofta nafleyda. 2. Bur yar. 3. Qolo; jilib. 4. Qaybta adag ee ku dhex jirta miraha. 5. L.tayda (-taada, -tiisa iwm): eray sii adkaynaya qofka laga hadlay oo sheegaya in qofku qofkaas yahay ee aan cid kale la sheegayn; qofka naftiisa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laf ↴
saab [m.l] (-bab, m.l)
1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye. taliye
waa [m.l] (-aayo, m.l)
(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo
kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.
aalad-kabniin [m.dh] (-do-kabniin, m.l)
(daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.
baabila [m.dh] (-ooyin, m.l)
(baay.) Soobaxyo uu jidhku leeyahay oo u soo baxa dub duleedka lafdhabarleyda, kuwaasi oo kordhiya halka ay iskaga yimaadaan laba nudood.
ibitiiliyam [m.l] (-mo, m.dh)
(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.
jab [m.l] (-bab, m.l)
1. Wax qaybsamay ama burburay in ka mid ah. 2. Lafaha, qoryaha iwm kala go' ama dillaac ku dhaca. 3. Fal natiijo xumi ka soo baxdo.
jab [m.l] (-bab, m.l)
(daaw.) Jab lafeed oo dhammeystiran ama bacran ah.
kaadiraac [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: dhicis yar oo aan cad iyo laf yeelan ee xinjir ah.
kaadiraaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dhicis aan cad iyo laf toona laheyn dhicin.
laabtaxaw [m.dh]
(c.nafl.) Carjaw yar oo ka lulata lafta sakaarka dhankeeda hoose. ld laabxuunsho, labxo.
l [m.dh] (la', laan, laam)
Xarafka laba iyo tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.