Site icon Qaamuus

jawaabta

lafti
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Dad nasab ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lafti

saaqo [x.d.w.]
mareegta, waxana bada-naaba loo yaqaanaa laftii-saaqniin.

yusur [m.l]
1. Madow oo dhalaalaya (midab dad). 2. Geed laftiisa madow laga sameeyo miraha tusbaxa.

astaan [m.dh] (-aamo, m.l)
(daaw.) Tilmaan cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. ld asto.

is [m.l]
I.kayga, i.kaaga iwm: qof laftiisa, nafta tiisi ah iwm.

laba-iyo-tobanle [m.l]
(c.nafl.) Qaybta hore ee mindhicirka yar ee lafdhabarleyda. Waa meesha marka cuntadu caloosha ka timaaddo ay kula kulanto dheecaanka xammaytida (oo soo mara marinka xammaytida) iyo weliba insaymyo kale oo ay soo dhiijiyaan qanjidhada dheefshiidku laba tobanlaha laftigiisa, kuwaas oo looga baahanyahay burburinta borotiinnada, kaarboohoydraytyada iyo duxda.

masawir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Muuqaalka ka taagan wax laftiisa warqad, loox derbi, iwm ku daabicid iyada oo la adeegsanayo gacan ama qalab kale. 2. Shaxan ama jaantus sawirid.

mullaax [m.dh] (-xyo, m.dh)
1. Xuubabka mayraxda kaa ugu jilicsan oo geedka laftiisa adag xiga. 2. Dhuub kasta oo sida mullaaxda u jilicsan.

tog [m.l] (-gag, m.l)
(juqr.) Biyo mareen lama degaan kaa soo badanaa engegan, oo biyo leh kaliya xilli roob badan kaddib. Togaggu waxay guud ahaan ku baaba'aan lamadegaanka dhexdiisa, waxa laga yaabaa inay ka siilaabmaan lamaddegaanka laftiisa, ama dhalaalidda barafyada ee buuro fog.

laf [m.dh] (-fo, m.l)
1. Mid ka mid ah qalfoofta nafleyda. 2. Bur yar. 3. Qolo; jilib. 4. Qaybta adag ee ku dhex jirta miraha. 5. L.tayda (-taada, -tiisa iwm): eray sii adkaynaya qofka laga hadlay oo sheegaya in qofku qofkaas yahay ee aan cid kale la sheegayn; qofka naftiisa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version