Site icon Qaamuus

jawaabta

laqan
(m.l)

1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.

laqan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qmay, -qantay; -qmi)

1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da'yaraan ku dhimasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laqan

idaad [m.dh] (-do, m.l)
1. Bir qaroofan oo mallayga lagu dabo. 2. Laqanyo. laqanyo

laadadyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
ld Laqanyoo.

qaalalyo [m.dh]
Caloosha oo kacda ama dacaroota oo sida wax laqanyaysan ay xooluhu la noqdaan, marka ay cunto ama biyo iska badshaan.

ballaqan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qmay, -qantay; -qmi)
Wax wada furan noqosho (albaab, dariishad iwm).

ballaqan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-qnaa, -qnayd)
Wax wada furan ahaansho (albaab, dariishad iwm).

burlaqan [m.l] (-nyo, m.dh)
Bur la qasaayo inta kuuskuusanta oo aan qasmin.

callaqan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qmay, -qantay; -qmi)
Wax la callaqay noqosho.

callaqan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-qnaa, -qnayd)
Wax la callaqay ahaansho.

lallabo [m.dh]
1. Laqanyo; yaqyaqsi. 2. Qayladhaan gurmad degdeg ah. 3. Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca. ld labbalabbo, labballabbo, lablabbo, lallabbo.

laq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
ld liq.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version