laqanyo
(m.dh)(daaw.) Liidaanyo ay keenaan baruur iyo subag badan oo la cunay; ladaadyo; lallabbo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laqanyo ↴
idaad [m.dh] (-do, m.l)
1. Bir qaroofan oo mallayga lagu dabo. 2. Laqanyo. laqanyo
laadadyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
ld Laqanyoo.
lallabo [m.dh]
1. Laqanyo; yaqyaqsi. 2. Qayladhaan gurmad degdeg ah. 3. Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca. ld labbalabbo, labballabbo, lablabbo, lallabbo.
laqanyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
Cid laqanyo dareensiin.
laqanyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Laqanyo dareemid.
laqanyood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg laqanyoo.
lar [m.l]
1. Xusuus xun. 2. Laqanyo.
liidaanyo [m.dh]
(daaw.) Dareen dadka saaqa, matag keeni kara, oo ka dhasha xanuun ama cunto la cunay; laqanyo; lallabbo; ladaadyo.
laqan [m.l]
1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qmay, -qantay; -qmi)
1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da'yaraan ku dhimasho.