layli
(m.l)1. Rati aan weli rar baran. 2. Tababbaridda qof loo tababbaro hawl gaar ah.
layli
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-iyay, -iday; -iyi)1. Awr rar barid. 2. Cid tababbar siin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh layli ↴
tababbar [m.l]
Tabo aqooneed oo gaar ah oo cid la baro; layli; carbis.
badalli [m.l]
Rati aan weli rarka loo layliyin.
buubaal [m.l]
Rati la rarto oo rar diid ah; layli aan weli rar baran.
deys [m.l] (-sas, m.l)
1. D. ah: faras dibad joognimo ku barbaaray oo aan la laylin. 2. D. ah: qof iskorisnimo ku barbaaray oo akhlaaq xun.
hayimi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2]
Wax layliyid; dabcin.
jarabbar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Fardo iwm laylin.
jarabbaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la layliyey ahaansho.
kulayli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax kulayl ka dhigid. ld kululee.
kulaylin [m.f.dh]
eeg kulayli. ld kululayn.
lay [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-aayay, -aysay)
1. Wax baabi'in. 2. Wax dhammayn. ld laa.