Site icon Qaamuus

jawaabta

legdan
(m.l)

Ciyaar laba qof isaga horyimaadaan oo ay si gaar ah isu qabsadaan, oo mid walba ku dadaalayo in uu kan kale dhulka dhigo.

legdan
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-amay, -antay; -ami)

Legdan samayn.

legdan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Wax la legdey ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh legdan

xambaaraggudub [m.l]
Tabaha legdanka nooc ka mid ah oo labada qof oo legdamaya midkood kan kale kor u qaado oo dhulka ku dhufto.

farakacayaar [m.l]
Isjiidjiid ama legdan aan dhab ahayn oo dheeldheel loo sameeyo.

farakacayaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Isjiidjiid ama legdan aan dhab ahayn dheeldheel u samayn.

joogjoogle [m.l]
1. Roob aan kala go'lahayn oo habeenkii da'a. 2. Legdan laba qofood oo kala xoog badan oo kan xoogga badani labadiisa gacmood laabto oo lugaha kaliya ku legdamo.

legdamid [m.f.dh]
eeg legdan².

legdanaan [m.f.dh]
eeg legdan³. ld legdanaansho.

legdanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld legdanaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version