ligan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-gnaa, -gnayd)Wax meel taagan oo aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ligan ↴
halligan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gmay, -gantay; -gmi)
ld halaagan¹.
halligan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
ld halaagan².
istaag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Jirka oo ligan lugaha meel ku hayn. 2. Socod ka joojin ahaasho.
istaagan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Wax ligan ahaansho.
itaal iftiimeed [m.l] (-dyo, m.dh)
Burqad iftiimeedka ku abbaaran dul yar oo jiho gaar ah kaga yaal il-ilays ku ligan jihadan.
itaal [m.l]
(fiis.) Summad 'I'(jabaq). Dhakhsaha ay tamarta jabaqda ku dhexmarto halbeeg bed ah oo ku ligan foolkabaahidda hirarka jabaqda. Itaalku waxa uu saamiggal quman la yahay laba jibaarka qotonka gariirka hawada. Halbeegga taalka waa desibal. b) eeg itaalka birlabeed. t) eeg itaalka danabka. j) eeg itaalka iftiimeed.
ligane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
1. Guud ahaan waa qotome ama sammeeya xaglo qumman. 2. Xarriiq ama sallax ku qotonka xarriiq ama sallax kale.
ligane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(xis.) Xarriiq ama sallax waxaa la yiraahdaa waxa ay ligane u tahay xood haddii ay ku qotonto taabtaha xoodka halka barta ay xarriiqda iyo xoodku ku kulmaan. Tusaale ahaan, gacanka goobo wuxuu ku liganyahay meeriskaa goobo.
lignaan [m.f.dh]
eeg ligan. ld lignaansho.
lig [m.dh]
Wax kor u taagan oo toosan oo aan soo laabmayn ahaan; wax likaysan ama liqdaaran.
lig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Wax meel taagid si aysan u dhaqdhaqaaqin.