liis
(m.l) (-sas, m.l)Magacyo badan oo meel ku tixan. ld liisto.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh liis ↴
ibliis [m.l] (-syo, m.dh)
Uun xun oo dadka duufsada oo xumaanta iyo wixii Ilaah lagaga dheeraanayo u horkaca.
qaayimo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qiimaha iyo kharashka uu ku fadhiyo wax iib u yaal. 2. Liis muujinaaya qiimaha badeeco la gadaayo.
alkohooliisam [m.l]
(daaw.) Xaalad bukaansho ka timid u barashada aalkohoolka ee qofka, taas oo haddii si kadis ah looga joojiyo keeni karta calaamado: sida gariir, xasilloonila'an, halluujineeshinis iyo qalbi jab.
biliis [m.l]
ld boliis.
boliis [m.l]
Ciidan nabadgelyada gudaha ee dal qaabbilsan. ld bileys, biliis, booliis, buliis.
booliis [m.l]
ld boliis.
buliis [m.l]
ld boliis.
daliishad [m.l]
ld daliishasho.
daliishasho [m.f.dh]
eeg daliisho. ld daliishad.
daliisho [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-shaday, -shatay)
Wax daliil ka dhigasho.