litir
(m.l)ld liitir.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh litir ↴
birmiil [m.l] (-llo, m.dh)
Weel weyn oo bir ah qaab dhululubo leh oo qaada labo boqol oo litir, fuusto. ld barmiil.
dheelitiran-kiimikeed [m.l]
(kiim.) Falgal kiimikaad oo gedisme ah oo ribnaanta falgaleyaasha iyo maxsuulladuba aanay isla beddelin amminta sababta oo ah habdhiska ayaa ku sugan xaalad teermoodaynamik ahaan dheelitiran.
dheellitir [m.l]
1. Isle'ekeysiinta culayska saaran wax labadiisa dhinac. 2. Isle'ekeysiinta xisaab labadeeda dhinac. 3. ld dheellitirid.
dheellitir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Xisaab labadeeda dhinac isle'ekeysiin.
dheellitiran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Wax la dheellitiray noqosho.
dheellitiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la dheellitiray ahaansho.
dheellitirid [m.f.dh]
eeg dheellitir². ld dheellitir¹ (2).
dheellitirnaan [m.f.dh]
eeg dheellitiran². ld dheellitirnaansho.
dheellitirnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dheellitirnaan.
fuusto [m.dh] (-ooyin, m.l)
Weel bir ah, adag, qaab dhululubo leh oo laba boqol oo litir qaada; barmiil. ld foosto.