lixdan
(m.l.t)Tiro ka kooban lix meelood oo min toban ah; lix tobnaad; “60”.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lixdan ↴
daqiiqad [m.dh] (-do, m.l)
Waqti hal saac ah oo lixdan meelood loo qaybshay middood. ld daqiiqo.
godo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-otay, -odatay)
1. (f.g) Wax qalloocasho. 2. (f.mg) Qalloocsamid. Tus. “Cali lixdan sano markuu gaaray ayuu gotay.
lixdamaad [m.l.t.j]
ld lixdanaad.
lixdameeye [m.l]
Tiro qiyaas ahaan u dhow lixdan. ld lixdameeyo, lixdaneeye, lixdaneeyo.
lixdanaad [m.l]
Sanadaha u dhexeeya lixdanka ilaa lixdan iyo sagaalka.
lixdanaad [m.l.t.j]
Tirada jagaale, kan lixdanka u dhigma. ld lixdamaad.
lixdaneeye [m.l]
ld lixdameeye.
lixdaneeyo [m.dh]
ld lixdameeyo.
xisbi [m.l]
1. (axsaab, m.dh) Urur siyaasi ah oo loo sameeyey in ay maamul dawladeed ka qaybgalaan. 2. Quraanka oo lixdan meelood loo qaybiyey meel ahaan.