Site icon Qaamuus

jawaabta

macmacaan
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

Cunto ama cabbitaan si gaar ah loo sameeyo oo dhadhan macaan leh sida buskudka, doolshaha, xalwada, dheecaanka liinta iwm.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh macmacaan

daallan [m.l]
Cunno macmacaan oo jaadad badan ah oo cunnada weyn dabadeed la cuno. ld daalan.

ismaris [m.l]
Rooti subag iyo macmacaan dhexda looga tiray.

jalaato [m.dh]
Waxyaabo macmacaan oo laysku daray oo inta la qaboojiyo markay fariistaan la muudmuudsado ama la leefleefo.

macaane [m.l]
Dhuuni inta dhadhanka macaan leh; macmacaan.

quuruwalle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Xasharaad calaamberiga u eg oo midab cascas leh oo waxyaabaha macmacaan soo raaca.

shukulaato [m.dh]
Nooc macmacaanka ka mid ah oo midab bunni ah leh lana cuno.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version