makaan
(m.l) (-nno, m.dh)1. Hooy; guri. 2. Ilmagaleenka haweenka.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh makaan ↴
gidaar-unug [m.l]
(baay.) Lakab sare oo adag oo ku wareegsan xuubka unugga ee dhirta iyo bakteeriyada laakiin unugga xayawaanku ma leh. Gidaarka unuggu waxa uu ilaaliyaa qaabna u yeelaa unugga dhirta maacila'da ama wuxuu siiyaa taageero makaanikee.
injiin [m.l] (-nno, m.dh)
(fiis.) Makiinadda tamarta kulka u geddisa hawl makaani-kaad, sida injiinka uumiga ama injiinka batroolka.
injinyeer [m.l] (-rro/-riin, m.dh)
Qof ku xeel dheer cilmiga dhismaha korantada, makaanikada iwm; muhandis.
kiilowaat [m.l]
Kun waad oo ah awoodda korontada ama makaanikada.
makaanig [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
M. ah: qof yaqaan farsameynta matoorrada.
matoor danabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Makiinad tamar danabka u beddesha tamar makaanikaad. Makiinadaha noocani waa nadiif, deggan, lehna karti aad u sarreysa (75-90%).
maxal [m.l] (-llo, m.dh)
Ilmogaleenka dhaddigoodka; makaan; ilmoside; min.
muruq [m.l] (-qyo, m.dh)
(c.nafl.) Sooh unugyadiisu ay leeyihiin awood isku roor iyagoo sameynaya xoog ama dhaqaaq. Muruqyadu waxay leeyihiin, habab ay tamarta kiimikaad ugu rogi karaan tamar makaanikaad.