makhaayad
(m.dh) (-do, m.l)Meel cunto karsan lagu iibsado oo leh kuraas iyo miisas cuntada lagu cuno iyo shaqaale cuntada keena. ld makhaayo, maqaayad, maqaayo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh makhaayad ↴
adeeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Ka a.: xafiis, guri makhaayad iwm hawl hoosaad ka qabasho. 2. Ka soo a.: waxyaabo daruuri ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay soo iibin.
agab [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Qalabka guri, makhaayad iwm looga adeegto.
makhaayaadle [m.l] (-ley, m.dh)
Qof makhaayad leh. ld maqaayadle.
makhaayo [m.dh]
ld makhaayad.
maqaayad [m.dh]
ld makhaayad.
maqaayo [m.dh]
ld makhaayad.
minqaxwe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
Wiil makhaayad ka shaqeeya oo shaaha dadka u geegeeya.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg