Site icon Qaamuus

jawaabta

makiinad
(m.dh) (-do, m.l)

1. Mashiin. 2. Sakiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh makiinad

naastro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab hadalka iwm ku duuba cajaladaha. 2. Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo. 3. Mullaax maro ah oo khad leh loo isticmaalo makiinadaha qoraalka.

dawaar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Wax wareega sida garangarta. 2. Makiinad dharka lagu tolo. 3. Duraanka dharka lagu tolo ama lagu fasilo.

dhambal [m.l]
1. Dh. ah: galley hal mar makiinad lagu burburiyey. 2. ld dhambalid.

garaac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
1. Wax si xoog iyo noqnoqosho leh wax kale ugu dhufasho. 2. Dhaaryid. 3. Nafley gacan wax ku yeelid. 4. Makiinad wax ku qorid. 5. Gacan kaga dhawaajin (qalab muusiko.

harqaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Dhul beereed, aan carro madow ahayn, ee dhagxaanta iyo carro guduuddu ku badantahay, oo dhulka adablaha ah xagga dhagaxa ka xiga. 2. ld kharqaan, sharqaan. Makiinad dharka lagu tolo.

harqaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay)
Dhar makiinad ku tolid.

harqaanle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof dharka makiinad ku tola. ld kharqaanle, sharqaanle.

injiin [m.l] (-nno, m.dh)
(fiis.) Makiinadda tamarta kulka u geddisa hawl makaani-kaad, sida injiinka uumiga ama injiinka batroolka.

marsho [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Birta geerarka baabuurka bedbeddesha. 2. Makiinadda geerarka baaburka. 3. Socod dheer oo ciidanku sameeyaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version