Site icon Qaamuus

jawaabta

malaasan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-smay, -santay; -smi)

1. Wax la malaasay noqosho. 2. Ka m. wax xallintooda maaro loo waayey noqosho. Tus. “Cabdi arrintii way ka malaasantay”.

malaasan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-snaa, -snayd)

1. Wax la malaasay ahaansho. 2. Meel furnayd sida irrid, god, duleel iwm wax la xiray ahaansho. 3. Qof aan wax fahmin ahaansho. 4. Ka malaasan qof aan arrin xogteeda la socon ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh malaasan

malaasmid [m.f.dh]
eeg malaasan¹.

malaasnaan [m.f.dh]
eeg malaasan². ld malaasnaansho, malaasni.

xuub-malaas [m.l] (-bab ..., m.l)
(c.nafl.) Xuub qoyan oo gudaha kaga malaasan xubnaha qaab dhuumeedka leh iyo xubnaha daloola sida: sanka, daloollada sanka xiga qaybta neef mareenka, xameyti mareenka iyo qaybta ganaca. Afka waxaa ku malaasan xuub dhis-mihiisu isbedbeddelo. Xuubka malaasku wuxuu ka sameysanyahay: ebiteliyum oo ugu sareeya waxaana ku yaal qanjirro yar-yar oo sameeya xab, waxaana ka hooseeya lakab soohxiriiriye ah iyo lakab ah muruq-xuubeed oo ugu hooseeya.

malaas [m.l]
Salaaxidda dhoobo, shamiito, nuurad iwm ee derbi lagu sameeynayo la salaaxo.

malaas [m.dh]
1. Dhoobo gaar ah oo madaxa la marsado si ay tiinta u caseeyso; xaraar; tarro. 2. Tin aad u jilicsan.

malaas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Wax, wax kale sida dhoobo iwm si wanaagsan ugu dhoobid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version