malag
(m.l) (-laa'ig, m.dh)1. Mid ka mid ah uunka, oo laga abuuray nuur iyo iftiin. 2. Malag loo soo diro nafleyda in uu nafta ka qaado. 3. Dhimasho; wed. ld meleg¹.
malag
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-lgay, -lagtay; -lgi)1. Nafley, nafta ka qaadid. 2. Nafley dhimashadeeda sabab u noqosho. ld meleg².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh malag ↴
malaa'ig [m.dh]
1. Saddexda uun ee caanka ah, kan aan ahayn insiga iyo jinka oo nuurka iyo iftiinka laga abuuray. 2. Heer ka mid ah koritaanka xasharaadka qaarkood oo u dhexeeya heerka diirdiirrada, lullumada iwm iyo heerka ugu dambeeyo ee ay gaaraan. 3. eeg malag¹.
malakamawd [m.l]
1. (dii.) Malag Eebbe u soo diro nafleyda in uu nafta ka qaado; malag. 2. Wed; dhimasho.
malgid [m.f.dh]
eeg malag². ld melgid.
meleg [m.l]
ld malag¹.
meleg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-lgay, -lagtay)
ld malag².
munkar [m.l]
1. (dii.) Magac guud oo kulmiya falalka Eebbe addoomihiisa ka xaaraantiimeeyey oo dhan. 2. (dii.) Labada malag ee dadka dhinta qabriga wax ku su'aala midka aan Nakiir ahayn.
mal [m.l]
1. Saxaro jilicsan oo dhasha yaryar oo caano ku noolka ahi dhigaan. 2. Cudur kala goysyada ku dhaca oo kuuduudiya. 3. Cudur dhasha geela ku dhaca oo kuduudiya.
mal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
Dhal yar oo caana ku nool ahi mal dhigid.