malax
(m.dh)(daaw.) Dhacaan midab cad ama cawl leh oo nabarrada hurguma ay yeeshaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh malax ↴
daaf [m.l]
(daaw.) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax.
biyogal [m.l] (-llo, m.dh)
(daaw.) Meel haragga ka mid ah oo soo foocsan inta badan biyo ku jiran, mararka qaarkoodna dhiig ku jiro ama malax.
cuncun [m.l]
(daaw.) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. Holaca muddada gaaban waa falgal difaac oo degdeg ah oo ay soohyadu kaga hartagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaad. Astamaha: xanuun, kul, cassaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cadcad waxay galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda buskood.
dareeris [m.dh] (daaw.)
Dareerin dhacaan ku jira meel jirka ka mid ah sida biyaha isgoosyada xubnaha gala ama malax ama kaadi qof kaadi ku dhagtay.
dhashuun [m.l]
1. Dhacaan adag oo meel bugta ka yimaada; malax, milil. 2. ld dhashuumid.
dhuun [m.l]
1. Caano si aad ah u suusacay. 2. Malax. 3. Dh.kayga, dh.kaaga iwm: naftayda, naftaada iwm.
dikaan [m.l]
1. Dhaqdhaqaaq yar oo isdabajoog ah sida kan dhiigga xididdada xulaaya ama meel malaxi ku jirto. 2. ld dikaamid.
entameeba [m.dh]
(baay.) Nooc ameebaha ka mid ah oo qaarkood deriskunool yahay siiba qaybta dheefshiidka ee dadka. “E. Histolytica” wuxu dhexgalaa oo baabi'iyaa xiidmaha isagoo keena xundhur iyo daloolinta xiidmaha, wuxuuna ku fidi karaa beerka oo ay ku sameeysmi karto malax.
fandhar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Meel malax ama qodaxi ku jirto aayar furid. ld findhir, findhiri.
fanto [m.dh]
(daaw.) Cudur jirka ku dhaca oo nabarro dhacaan iyo malax lihi ka soo yaacaan oo goggooyaan.
mal [m.l]
1. Saxaro jilicsan oo dhasha yaryar oo caano ku noolka ahi dhigaan. 2. Cudur kala goysyada ku dhaca oo kuuduudiya. 3. Cudur dhasha geela ku dhaca oo kuduudiya.
mal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
Dhal yar oo caana ku nool ahi mal dhigid.