Site icon Qaamuus

jawaabta

malo
(m.dh)

1. Nooc libaax badeedka ka mid ah. 2. Saxaro jilicsan oo ubadka yari dhigaan. 3. ld male.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh malo

carmaloobid [m.f.dh]
eeg carmalow.

carmalow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Carmal noqosho.

male [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Wax aan la hubin. 2. (fk) Mindhaa. 3. ld malo.

malooq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Ku m.: subag, dhoob, wasaq iwm meel ku dhoobid.

malooqan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-qnaa, -qnayd)
Wax subag, dhoobo, wasaq iwm lagu dhoobay ahaansho.

malooqasho [m.f.dh]
eeg malooqo.

malooqid [m.f.dh]
eeg malooq.

malooqnaan [m.f.dh]
eeg malooqan. ld malooqnaansho.

malooqnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld malooqnaan.

ma [qr.diid]
Qurub tilmaamaya in weerta falkeeda uu yahay fal diidmo. Tus. “Cali ma imaanayo”.

ma [qr.we]
1. Qurub tilmaama in ay su'aali saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”. 2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid qofkaa?”.

ma [x.i] Mase: ama
ld mise.

ma [m.l]
1. Meel. 2. (qr.we) Mehee?: meeshee?.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version