Site icon Qaamuus

jawaabta

maluuq
(f.g/f.mg1) (-qay, -qday)

1. Madax timo ka wada xiirid. 2. Ku maluuq subag, dhoob, wasaq iwm meel ku dhoobid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maluuq

dhoobee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
Wax dhoobo ku maluuqid.

maluuqad [m.l]
ld maluuqasho.

maluuqan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-qnaa, -qnayd)
1. Wax timaha laga wada xiiray ahaansho (qof). 2. Wax subag, dhoobo, wasaq iwm lagu dhoobay ahaansho.

maluuqasho [m.f.dh]
eeg maluuqo. ld maluuqad.

maluuqid [m.f.dh]
eeg maluuq.

maluuqnaan [m.f.dh]
eeg maluuqan. ld maluuqnaansho.

maluuqnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld maluuqnaan.

maluuqo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-qday, -qatay)
Madax timo ka wada xiirasho.

qurdan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof madaxa maluuqday ahaansho. 2. Lo', ari wax seenyoon ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version