Site icon Qaamuus

jawaabta

maraar
(m.dh) (-ro, m.l)

Qalqalooc ama xarar wax la qorayo loo yeelo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maraar

annilliida [m.l] (-ooyin, m.l)
(baay.) Faylam ka mid ah laf dhabarla'da oo ka kooban goryaanno maraaraysan, tusaale: dirxi dhuleed. Anniliiduhu wuxu leeyahay jidh jilicsan oo dhululubaysan kaas oo ay ka muuqdaan maraaro. Maraarahaasi waxay aad uga muuqdaan dhinaca dusha iyaga oo u taxan sida fargallada ama kaatun. Dhinaca gudaha maraar kasta waxa tan kale u dhexeeya xuub iyo xaad dag.

balaatihelmantis [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam ka tirsan lafdhabarla'da, oo ka kooban gooryaan suunka, astaamihiisana ay ka mid yihiin jidh ballaadhan oo aan maraaryo lahayn, habdhis dareen-wade oo sahlan, kaas oo unugyadiisu u badanyihiin dhinaca madaxa, dheefmareen sahlan oo af mooye aan futo lahayn. Gooryaan suunku waa labeeb, laakiin isbacrimintiisu waa naadir. Jinsiyo badanoo faylamkan ka tirsan ayaa dulin ah.

gol [m.dh] (-lo, m.l)
1. Nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan. 2. Dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan. 3. Daaddegga buuraha. 4. Cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga. 5. Foorad. 6. Maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran; nabas. 7. G. lahaan: ujeeddo; dan.

hunguricad [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Dhuun haweedka lafdhabarleyda neefta qaadataa: waa dhuun hawada ka soo qaadda hunguri cadka una gudbisa farac hunguri cadka, waxa adkeeya maraaryo qaybo ah oo carjaw ka samaysan.

maraarnimo [m.dh]
(daaw.) Xaalad cudureed oo ka timaada ayadoo lagu dhasho shaqi yari qanjirdhiiqa taayroyd. Astaamaha ahaan: gaabni, caqli dhimanaan, muuqaalka wajiga oo gaar ah.

moolaska [Magac Lab | Noun Masculine]
(c.nafl.) Faylam jidh jilicsan leh oo ka tirsan lafdhabarla'da oo ay astaan tahay jidh aan maraaryo lahayn, oo u kala baxsan, madax, lug hoosaad muruqaysan oo loo isticmaalo socodka, iyo tuur sare oo harag laabani ku daboolanyahay iyo dubaalad taas oo sinjiyada badankooda dhiiqda qolof adag oo dabool ah.

ruugmaraar [m.l] (-rro, m.dh)
Oday xooggan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version