mareeg
(m.dh)1. Qoolasha maqasha qoorta loo geliyo. 2. Summad geela qoorta looga dhigo, oo ah goobaabin qoorta ku wareegsan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mareeg ↴
saaqid birlabdanabeed [m.dh]
(fiis.) Xoog danab-wadaha ku abuurma mareeg danab ayna ugu wacantahay mareegta iyo badad birlabeedka isdhexmaraaya, ama isbeddel-ka ku dhaca burqad birlabeedka jaraaya mareegta danab. X.d.w. saaqmay waxuu abuuraa qulqul danab oo u socda jihada uu sheegayo xeerka Lenz.
saaqniin [m.l]
(fiis.) Astaanta ay leedahay mareeg danab, ee u suurtogelisa isbeddelka qulqulka danabka maraaya mareegta in uu ku
ambiyeer-beege [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalab lagu cabbiro xaddiga qulqulka danabka ee mareeg danab. Ambiyeer beegga waxa mareegta loogu xidhaa si taxane ah.
foolt-beege [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalab lagu cabbiro xaddiga keyd faraqa ee u dhexeeya laba barood. F. waxaa mareegta loogu xidhaa barbarro.
hakis [m.l]
(fiis.) Summad: X. Dhalanka mareeg leh saagin ama madhxin oo wadajir ahaan caabbiga mareegta kula dhaliya xayir. Hakiska waxaa lagu cabbiraa oom.
kayd-faraq [m.l] (-dad ..., m.l)
(fiis.) Summad: V. Hawsha lagu qabtay dhaqaajinta saldanab laba barood oo mareeg danab ka mid ah dhexdooda. Halbeegga Caalamiga ee keyd faraqu waa foolt (V). V = W/Q.
libcas [m.dh]
1. Xiddigga afaraad ee daalallida una dhexeysa gudha iyo mareegadheer. 2. Nooc qodaxda ka mid ah.
mareegadheer [m.dh]
1. Xiddig kuwa dayaxa ugu dhow ka mid ah oo soo baxa xilliga dayrta. 2. Qof haween ah oo dhalatay 14-naadka dayaxeed oo dadku aaminsanyihiin inay ayaandhalad tahay.
mareeg-daabacan [m.dh]
(fiis.) Mareeg elektarooniko oo ka samaysan gudbiye, kuna daaban oogada xaashi-sallax ma gudbiye ah. Mareegaha noocani waxa beryahan aad loogu isticmaalaa qalabka elektaroonikada.