mas'uul
(m.l) (-llo/-liin, m.dh)1. Qof xil qaadi kara. 2. Qof jago sare ummad u haya. 3. Xilkas. 4. Ka m. ah: qof wax xilkoodu saaran yahay. 5. Ka m. ah: qof dhacdo sabab u ahi. ld masuul.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mas'uul ↴
aabonimo [m.dh] (siyaasad.)
Mowqifka dawlad, ama mujtamac kale ku muujinayaan in ay go'aan kasta u sameeyaan dadka ay mas'uulka ka yihiin.
oday [m.l] (-yaal, m.l/dh)
1. Nin da' weyn; duq;waayeel. 2. Nin waxgarad ah ama xil qaadi kara, mas'uul; xilkas. duq, waayeel, masuul, xilkas
sabab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax dhaciddooda mas'uul ka noqosho.
ATP [m.dh]
(kiim.) Iskudhis orgaanika ah oo ka kooban adaniin ribows iyo saddex kooxood oo foosfeyt aan orgaanik ahayn. ATP-du waa niyukliyotaydh. Waxaanay mas'uul ka tahay inay tamarta si ku meel gaadh ah u keydiso intay socoto neefsashada unuggu. Waxay ka samaysantay ADP lagu daray foosfeyt saddexaad taas oo keydisa tamar soona saarta marka looga baahdo dariiqad kale oo dheef samayneed.
bari [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ryay, -riday; -ryi)
1. (f.g) Cid wax ay leedahay ama ka mas'uul tahay si debecsan u weyddiisasho. 2. (f.mg) Habeen meel u hoyasho.
baryo [m.dh]
Si debacsan oo cid waxay leedahay ama mas'uul ka tahay loo weyddiisto; tuugmo.
cagaariye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(baay.) Walaxda mas'uulka ka ah midabka cagaaran ee dhirta badidoodu leedahay, molikiyuulka cagaariyuhu waa xudunta ugu muhimsan ee nuugista ilayska marka la eegayo falgallada ilayska ee footoosintasiska.
dammiin [m.l] (-nno, m.dh)
Qof la yaqaan oo qof kale mas'uul ka noqda. ld damiin¹.
dammiin [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
Qof kale mas'uul ka noqosho (qof). ld damiin².
dani [m.l]
Qof mas'uul ka ah baabuur, bas iwm. ld deni.