mas'uuliyad
(m.dh)Xil qof saaran. ld mas'uuliyo, masuuliyad, masuuliyo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mas'uuliyad ↴
dulsaar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Faa'iido laga helo lacag bangi la dhigtay. 2. Lacag dheeraad ah oo laga qaato lacag cid la amahiyey. 3. D. ah: qof ka shaqeeya hay'adda uu ka tirsanyahay mid aan ahayn. 4. D. ah: cid ciddii mas'uuliyaddu ka saarrayd aan ahayn la nool. 5. ld dulsaarid.
hanaqaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Qof fil uu mas'uuliyad ku hana karo gaari; tabargalid.
hano [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ntay, -natay)
1. Wax mas'uuliyaddooda ku filnaasho. 2. Wax hantiyid ama qabsasho.
hanti [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. Wax mas'uuliyaddooda ka adkaansho. 2. Wax lahaanshihiisa la wareegid.
kafaalo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aashay, -aalatay)
1. Wax daryeelid. 2. Wax mas'uuliyaddooda qaadid.
magacow [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-caabay,-cawday; -caabi)
1. (f.g) Nafley u yeerid. 2. (f.mg) U m. cid wax mas'uuliyaddooda u dhiibid.
masuuliyad [m.dh]
ld mas'uuliyad.
mas'uuliyad [m.dh]
Xil qof saaran. ld mas'uuliyo, masuuliyad, masuuliyo.
masuuliyo [m.dh]
ld mas'uuliyad.
mas'uuliyo [m.dh]
ld mas'uuliyad.