masaajid
(m.l) (-ddo/-dyo, m.dh)1. (dii.) Dhismo inta badan qubbad ama munaarad dheer dusha ku leh oo muslimiintu Eebbe ku caabudaan. 2. (dii.) Meel kasta oo u habaysan in muslimiintu Eebbe ku caabudaan.
masaajid
(Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural)eeg masjid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh masaajid ↴
ictikaaf [m.l]
Fadhi masaajidka gudahiisa muddo la fariisto oo cibaado loo niyoodo.
ictikaaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Cibaado awgeed masaajid ku raagid
jaamac [m.l]
1. Kitaabka Quraanku ku qoranyahay. 2. Masaajidyada magaalada kan ugu weyn.
khaaddin [m.l] (-immo, m.dh)
1. Nin meel barakaysan sida masaajid iwm. ka adeega oo barako doon ah. 2. Nin wadaad u adeega oo barako doon ah. ld khaaddun.
khaddiib [m.l] (-bbo, m.dh)
Ninka khudbadda jimcaha ka akhriya masaajidka.
masjid [m.l] (-dyo/-saajid, m.dh)
(dii.) Masaajid.
mimbar [m.l] (-rro, m.dh)
(dii.) Meel masaajidka gudihiisa ku taal, kor u qaadan, oo qofka khudbadda wacdiga akhriyayaa fuulo, si uu u muuqdo, codkiisana loo maqlo. ld mambar, minaawar.
mu'addin [m.l] (-nno/-mmo, m.dh)
(dii.) Ninka masaajidka ka addima.