Site icon Qaamuus

jawaabta

mashquul
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

M. ah: hawllan oo aan faraaqo lahayn.

mashquul
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-uulay, -uushay)

Ku m.: qof hawllan oo aan faraaqo lahayn noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mashquul

dhammaas [m.l]
Qof aan feejignayn oo dareenkiisa garasho meel kale ku mashquulsanyahay.

hawllanow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-way, -wday)
Wax hawl ku mashquulsan noqosho.

hawshoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Hawl ku mashquulid.

mashquuli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ku m.: qof mashquul ka dhigid.

mashquulid [m.f.dh]
eeg mashquul².

mashquulin [m.f.dh]
eeg mashquuli. ld mashquulis.

mashquulis [m.l]
ld mashquulin.

mashquulsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la mashquuliyey ahaansho (qof).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version