masrax
(m.l) (-xyo/masrax, m.dh)1. Gole lagu bandhigo riwaayadaha, filimmada iwm. 2. (riw.) M. geeraar: m. jilayaashiisu ay u hadlayaan qaab maanso.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh masrax ↴
tabeeye [m.l] (-yayaal, m.dh)
(riw.) Qof hawshiisu tahay muuqdoorinta jilaha masraxa ama filimka.
daah [m.l] (-hyo, m.dh)
(riw.) D. masraxiyeed: ilxir loo adeegsado goobta masraxiyadda.
daawade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(riw.) Qof masrax, filim, ciyaar iwm daawanaya.
fannaan [m.l] (-niin/-nno, m.dh)
1. Nin masrax ka heesa. 2. Nin fanka ku xeel dheer.
fannaanad [m.dh] (-do, m.l)
1. Haweeney masrax ka heesta. 2. Haweeney fanka ku xeel dheer.
goob [m.dh] (-bo, m.l)
1. Meel bannaan oo lagu soo bandhigo ciyaaraha. 2. Wax qeyb qeyb u yaalo middood. 3. Meesha ay herintu degto marka ay oroobka tahay. 4. (riw.) Meesha lagu sameeyo masraxi-yadda.
masrixiyad [m.dh] (-do, m.l)
(riw.) Sheeko murti iyo maaweelo leh oo lagu bandhigo masrax; riwaayad, maadeys.
muqaal-dambe [m.l]
(riw.) Sawirro lagu bilo goob masraxeedda.
muuqaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Muug. 2. Waxa la daawado oo dhan sida filinka, masraxiyadda iwm.