maw
(m.l)Weelasha biyaha lagu shubto.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maw ↴
umaad [m.l]
Geeri, mawd, dhimasho.
xaaxi [m.l]
1. Mawjadaha badda ka soo butaaca oo xeebta soo gaara halka ay ka noqdaan. 2. Biyo badeed oo ciidda xeebta galgalanaya iyagoo xumbaynaya.
afwebi [m.l] (-afwebi, m.l)
(juqr.) Halka webiga iyo baddu iska galaan, halkaas oo saamaynta mawjaddu ay ka muuqato, isla markaasna ah halka biyaha webiga ee macaan iyo biyaha baddu iskaga darsoomaan.
beritalsis [m.l]
(daaw.) Dhaqdhaqaaq mawjadda oo kale ah oo ku socda xubnaha qaarkood ee jirka kuma xirna rabista qofka, wuxuuna caan ku yahay xubnaha ka sameysan muruq wareegsan iyo muruq dherer u dhigan - sida: xiidmaha.
dabayl [m.dh] (-lo, m.l)
(c.cimi.) Mawjad hawo, oo xoog ugu socota jiho kasta, oo badanaa la moodo inay barbaro la tahay oogada dhulka.
ekogaraafi [m.l] (-iyo, m.dh)
(daaw.) Farsamada adeegsata mawjadaha ultarasawndiga ah si loo darso qaabka gudaha ee jirka.
ekokardiyogaraafi [m.l]
(daaw.) Isticmaalka mawjado ultrasawnd ah si loo ogaado shaqada iyo garaaca wadnaha.
fidmawade [m.l]
ld fidnawale.
fidmawale [m.l]
ld fidnawale.
isle'egyo-seegmaweydo [m.dh]
(xis.) Urur isle'egyo ah oo doorsoomeyaashoodu ay wada raaliggelin karaan ugu yaraan hal urur furfuris. Tusaale ahaan: isle'egyada x + y = 2 iyo x + 4y = 6 waxa raaligeliya x = 2/3 iyo y + 4/3. Isle'egyada x + y = 4 iyo x + y = 9 ma aha seegmaweydo waayo ma jiro lammaane qiimeyaal oo wada raaligeliya labada isle'eg.
m [m.dh]
(ma') Xarafka saddex iyo tobnaad ee
xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.