mayran
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rmay, -rantay; -rmi)1. Wax la mayray noqosho. 2. Dhar iwm midab bixid.
mayran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, rnayd)Wax la mayray ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mayran ↴
kaadidhiig [m.l]
(daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca.
mayrmid [m.f.dh]
eeg mayran¹.
mayrnaan [m.f.dh]
eeg mayran². ld mayrnaansho.
mayr [m.dh]
Caws waaweyn ama caw rarada laga sameeyo. ld mayro.
mayr [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax biyo ku dhaqid. 2. U m.: cid u qubayn.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg