meere
(m.l) (-rayaal, m.l/dh)Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa siddeed. Dusaa, (cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (sahra), Dhulkeenna, Farraarre (mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (mushtar), Raage (saxal), Uraano, Netuun. Buluuto ama Buluto 2006 ayaa laga saaray Meerayaasha rasmiga ah.
meere
(m.l) (-rayaal, m.l/dh)(c.fal.) Mid ka mid ah walxaha qiyaas ahaan goobada ah, oo gaadhaya dhowr boqol, kuwaas oo ku meeraysta qorraxda oo mara tub qorraxeedyo loo yaqaan tubo. Waxa jira sagaal meere oo waaweyn, uu ku jiro dhulku, oo in door ah ka weyn kuwa oo hadhay, iyo meereyaal yaryar oo badan ama meere yareyaal. Meereyaasha dhulka ka weyni waa: Nebtuun, Yuraanas, Jaateen iyo Jubitar, kuwa ka yaryarina waa: Feenus, Maaris, Meerkuri iyo Buluuto. Feenus iyo Meerkuri ayaa qorraxda uga dhow dhulka kuwa soo hadhay ay ka sii fogyihiin. Buluuto, oo la helay 1930, ayaa ugu fog qorraxda, marka laga reebo qorraxda iyo xiddigaha, sida dayaxa meerayaasha kale waxay ku faan noqodka qorraxda. Buluuto ama Buluto 2006 ayaa laga saaray Meerayaasha rasmiga ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh meere ↴
kaah-qorraxeed [m.l]
(fiis.) Tamar kaahda dhulka iyo meereyaasha kale ay ka helaan qorraxda. Kaaha gorraxdu si la taaban karo ayuu ugu kala duwanyahay dhulka dushiisa. Xaddiga kaah gorraxeedku wuxuu isla beddelaa kolba xagasha ay fallaaraha ilaysku uga soo dhacayaan dhulka maalinta dhexdeeda.
bah-cadceed [m.dh] (-ho ..., m.l)
(c.fal) Koox walax cireeddo ah oo ka kooban qorraxda, meereyaasha, oo ku dul meeraysta, meereyareyaasha (plannetoid or asteroid), seefta cirka, shuhuubaha, cirka-soo-dhacaha iyo dayax gacmeeddada ku meeraysta meerayaasha, sida dayuxu dhulka ugu meeraysto.
dabayl-joogta [m.dh] (-lo ..., m.l)
(c.cimi.) Ku filiqsanaanta guud ee dabaysha gibilka hoose, tasoo, waxa sababay kaah, qorraxeedku, u dhisan sida meere meeraysanaya oo leh gibil.
dayaxgacmeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.fal.) Dhinaca xiddigiska, waa shay yar oo ku meeraysta meere korkiisa; dayaxu, tusaale ahaan, waa d.ka dhulka.
dhul-duniyeed [m.l]
(c.fal.) Midka shanaad sagaalka meere qorraxeed marka la fiirsho xagga baaxadda ama weynaanta, isla markaas waa midka saddexaad marka la fiirsho ka fogaanta qorraxda. Oogada dhulka ee adag ee xagga usha ah waxaa loo yaqaan litosfeer, waxaana qayb weyn oo ka mid ah daboola biyoolayda dhulka, waxaana ku gedfan neefo loo yaqaan gibilka.
habqoraxeed [m.l]
Qorraxda iyo meereyaasha waaweyn ee ku dul wareega.
kormeere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Qof ay hawshiisu tahay inuu wax soo kormeero. 2. Askari darajadiisu ka korreysa saddex alifle kana hooseysa xiddigle.
majiire-dayaxeed durugsan [m.l] (-yaal ..., m.l/dh)
(c.fal.) Barta ugu fog ee uu maro meere (gaar ahaan dayaxa) marka loo eego dhulka.
majiire-qorraxeed durugsan [m.l] (-yaal ..., m.l/dh)
(c.fal.) Barta ugu fog ee uu maro meere marka loo eego qorraxda. Marka uu dhulka ugu fogyahay wuxuu qorraxda u jiraa 94.5 milyan oo mayl.
meere yare [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(c.fal.) Ku-wareege yar: waxaa jira qaar badan oo ku warega gorraxda, una dhexeeya majiireyaasha Maars iyo Jubitar; ka u weyn dhexroorkiisu waa 700 Km., ka u yarna dhexroorkiisu wuxuu ka yaryahay 30 Km.
mee [e.we]
(meedey; meeye/maye) Xaggee ayuu jiraa?, aaway?. Tus. “Wiilku mee?”, “Ku mee?”.