Site icon Qaamuus

jawaabta

meeri
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Cashar iwm akhriyid. 2. Xarig iwm wax kale ku dul duubid. 3. Ku m.: wax meer ku dul wareejin. 4. Ku m.: hanti, wax iwm cid kale ku wareejin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh meeri

gaafammeerid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
ld gaafmeerid. gaafmeerid

gaafmeerid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaafmeer². ld gaafammeer¹, gaafammeerid, gaafmeer¹ (2), gaafwa gaafammeer, gaafammeerid, gaafmeer

qaanso [m.dh] (-ooyin, m.l)
(xis.) Qayb ka mid ah xood is-haysta. Haddii meeriska goobo ama xoodad kale oo oodan loo qaybiyo labaqaybood oo aan isle'ekeyn, labada qaanso midda dheer waa qaanso weyn, midda gaabanna waa qaanso yar. Labadooda waxa ay sammeeyaan lammaane qaansooyin oo xisti ah.

afmeerid [m.f.dh]
eeg afmeer². ld afmeer¹ (2).

baay [m.dh]
(xis.) Saamiga uu meeriska goobo kasta la sameeyo dhexroorka goobada. Seebid ahaan waxay le'egtahay, 3.14159. waa tiro ka sarreysa garashada qiimaheeda dhabta ah lama qori karo haseyeeshee waa la cabbiri karaa ilaa heer saxnimo.

boqon [m.dh] (-qno, m.l)
(c.nafl.) Xarriiq toosan oo isku xirta laba barood oo ku dul yaalla xood. Tusaale ahaan, xarriijinta isku xirta laba barood oo ku yaalla meeriska goobada waa b..

bowdlameeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Bowd, bowdlameer u samayn.

bowdlameerin [m.f.dh]
eeg bowdlameeri.

cabbaar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Meerisyo kuul yaryar ah, hab quruxsan la isugu tolo, rucubyo leh oo haweenka qoorta ku xirtaan. 2. Midab baraashirix ah oo lo'da iyo riyuhu yeeshaan. 3. (w) Qaab qurux badan oo dadka cayillan ama hablaha surkoodu yeesho. ld cabbaad.

gacan [m.l] (-ammo/-nno, m.dh)
(xis.) Xarriiq toosan ee ka timaada xuddunta kuna dhammaata bar ku taalla meeriska goobada ama fogaanta ka bilaabata xuddunta kubbad, kuna dhammaata bar ku taal dusha kubbadda.

mee [e.we]
(meedey; meeye/maye) Xaggee ayuu jiraa?, aaway?. Tus. “Wiilku mee?”, “Ku mee?”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version