Site icon Qaamuus

jawaabta

meertada kaarboon
(m.dh)

(baay.) Silsilad ama dhacdooyin meerto ah, taas oo ah wareegidda kaarboonka ee degaanka iyo noolayaasha. Dhirtu waxay ka qaadataa kaarboon laba ogsaydh gibilka, waxaanay u beddeshaa kaarboonaydraytyo, borotiino iyo dux. Qaar ka mid ah kaarboonka laba ogsaydh waxay dib ugu noqdaan gibilka dhirta waxa cuna daaq cunayaasha, kuwaas oo iyagana ay sii cunaan hilib cunayaashu. Marka ay daaq cunayaasha iyo hilib cunayaashu dhintaan waxaa quuta bakhti-ku-noollada iyo kala-bixiyayaasha, sidaa darteed kaarboonku wuxuu ku noqdaa ciidda ama wuxuu gelaa gibilka, isaga oo ah maxsuulka neefsashada bakteeriyada iyo fangiga.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh meertada kaarboon

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version