Site icon Qaamuus

jawaabta

meged
(m.dh) (-gdo, m.l)

1. Harag la hoolay oo asal iyo waxyaalo kale lagu jilciyey. 2. Asalka wax magdiyo. 3. Geed-gaab leh caleemo yaryar oo qodxo leh, oo jiliftiisa haragga lagu megdiiyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh meged

dhiinmeged [m.l]
Midab lo'aad dhiin ah oo yara madow ku jiro.

magad [m.dh]
ld meged.

megdee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
Maqaar meged ka dhigid. ld magdee.

megdeyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Harag meged ka dhigasho. 2. Harag meged marsasho. ld magdeyso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version