midabaysan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-smay, -santay; -smi)Wax la midabeeyey noqosho.
midabaysan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-snaa, -snayd)Wax la midabeeyey ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh midabaysan ↴
saafid-kolorimitrieed [m.dh]
(fiis.) Saafid xaddiyeed oo lagu cabbiro ribnaanta milmeyaasha midabaysan iyada oo la kaashanayo itaalka midabka. Milanka la hubinayo waxa loo eegaa milanno ribnaantooda la yaqaano.
bilyaardi [m.l]
1. Ciyaar si habeysan iyo shuruuc gaar ah loogu ciyaaro ulo ama la'aan iyo kubbado adag, yaryar midabaysan oo faan maroodi ka samaysan oo miis gaar ahna lagu dul ciyaaro. 2. Miis afarta gees iyo dhexda lix god ku leh maro ku dahaarantahay oo ciyaarta b.ga lagu ciyaaro.
daamad [m.dh]
Cayaar shaxda u eg oo lagu dulcayaaro loox afar gees ah oo leh cadad midabaysan.
haydh [m.l] (-ooyin, m.l)
(fiis.) Hummaagga oo yeesha iin-muuqaal, ayna sababtay, bikaaco ama muraayad xoodan. Haydh midabkeeda humaaggu waxa uu yeeshaa hariiryo midabaysan, taas oo ay ugu wacantahay hannaanka kala geddisan ee ay midabada kala geddisan u qalloocdaan.
midabaysmid [m.f.dh]
eeg midabaysan¹.
midabaysnaan [m.f.dh]
eeg midabaysan². ld midabaysnaansho.