midabee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-beeyay, -baysay)1. Wax midab u yeelid. 2. Reer hayaan ah habeen meel ku sii dhixid; midbee.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh midabee ↴
jeegaan [m.dh] (-nno, m.dh)
(fiis.) Filiq-sanaanta kaahinta birlabdanabeed sida, muuqaalka midabeed ee ka dhasha kala-xaydka dhudo ileys ee soo dhexmara birisam.
jiid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Wax si xoog leh u soo dhufasho. 2. Dun aliindi oo la midabeeyey ama qoyan si loo qallajiyo kala bixin.
jookh [m.l]
1. Nooc cimaamaadaha ka mid ah oo ragga madaxda ah iyo wadaaddadu madaxa ku duuban jireen. 2. Dhogor ama dun la midabeeyey oo fardaha madaxa loo suro qurux awgeed.
midabayn [m.f.dh]
eeg midabee.
midabaysan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-smay, -santay; -smi)
Wax la midabeeyey noqosho.
midabaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la midabeeyey ahaansho.
sabbakh [m.l]
Asal dharka lagu midabeeyo.
sacfaraan [m.l]
Budo hurdi ah oo wax lagu midabeeyo, waxna lagu daweeyo.
sibbaaq [m.l]
(kiim.) Walax lagu midabeeyo dunta, maaska, iwm. Sibaaqyada badankoodu waa iskudhisyo orgaanig ah oo la macmalay. Sibaaqyadu aalaaba waa iskudhisyo orgaanig ah oo aan dhereg-sanayn oo leh dabarro lammaan oo talan-taali ah, dabarrada keenaaya midabka waxa lagu magacaabaa koroomofoor.
midab [m.l] (-bbo/-byo, m.dh)
1. Marka fallaaraha ilaysku ku dhacaan walax ee ay ka soo noqdaan, muunadda ay isha tusaan: sida casaan, cagaar iwm. 2. Nooc ka mid ah kalluunka oo yaryar, oo sharaxsharax leh.