Site icon Qaamuus

jawaabta

miige
(m.l) (-gayaal, m.l/dh)

1. Qori ama bir af dhuuban oo dhulbeereedka lagu mudmudo si abuurka loogu rido. 2. Kar bir ah oo khudraddo iwm lagu shiido. ld miigo¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh miige

miigee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
Qof gamcihiisa iyo lugihiisa dib isugu xirid.

miigeyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg miigee.

miigeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Wax miige lagu mudmuday ahaansho (dhul-beereed). 2. Qof la miigeeyey ahaansho.

miigeysnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg miigeysan. ld miigeysnaansho.

miigeysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld miigeysnaan.

miigo [Magac Dheddig | Noun Feminine]
ld miige.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version