miino
(m.dh) (-ooyin, m.l)1. Qalab gudihiisa wax qarxa ka buuxaan oo loogu talo galay in lagu burburiyo, dhismo, dhagax, iwm. 2. Kontorobaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh miino ↴
amiino [m.dh] (-ooyin, m.l)
(kiim.) Koox iskudhisyo orgaanig ah oo biyaha ku milma, lehna kooxaha kaarbogsayl (-COOH) iyo amiino (-NH), oo ku dheggan kaarboonka alfa.
amiino asiidh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(baay.) Koox ka mid ah iskudhisyada orgaanikada ah ee biyaha ku milma ee wada leh koox kaarboogsayl (-COOH), iyo amino (-NH2), oo ku dhegsan alfa kaarboonatam. Dhirta iyo noolayaal ili-ma-aragtay ah oo badan ayaa amino asiidhyada ka samayn kara iskudhisyo sahlan oo aan orgaanig ahayn, laakiin xayawaanku waxay ka helaan in ku filan oo quudkooda ah.
damiino [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ntay, -natay)
ld dammiino.
dammiino [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ntay, -natay)
Cid damiin ka noqosho. ld damiino, dammaano, lam-maano.
kamiino [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ntay, -natay)
Neef aad u ooman biya cabid.
miinee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -naysay)
1. Wax miino ku xirid, miino gelin. 2. Cid kontorobaan u dhiibid.
tamiino [m.dh]
ld tabiino.
tammiino [m.dh]
ld tabiino.