Site icon Qaamuus

jawaabta

miirid
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg miir³. ld miir¹ (3), miiris.

miirid
(Magac Dheddig | Noun Feminine)

(kiim.) Dariiqada saxarrada adkaha ah lagaga soocaayo hoorka iyadoo la adeegsanaayo walax daloolo leh. Shaybaarka waxaa badanaaba lagu isticmaalaa warqadda miirtada.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh miirid

uusmiir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Neef geel ah oo la qalay calooshiisa biyo ka miirid.

uusmiirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg uusmiir². ld uusmiir¹.

dhoobammiir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dhoobo ka miirid (biyo).

dhoobammiirid [m.f.dh]
eeg dhoobammiir².

dhurruur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Biyo calawsan kala miirid.

khamiirid [m.f.dh]
eeg khamiir².

khamiirid [m.dh]
(baay.) Isbeddel kiimikaad oo ay walxaha orgaanikada ku dhaliyaan waxyaabo nool (sida: yiist, baktiiriya, iwm). Falkaasna waxa keena insaymo. Waa dariiqada lagu diyaariyo alkoollada (sida: itanool). Marka insaymka loo yaqaan siyaameys uu la falgalo sonkoraha (sakaraydhada) ku jira istaarijka.

miidee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Malab, subag iwm miirid.

miir [Magac Lab | Noun Masculine]
1. Wax la miiray. 2. ld miyir. 3. ld miirid¹.

miir [Magac Lab | Noun Masculine]
1. Wax la miiray. 2. ld miyir. 3. ld miirid¹.

miir [Magac Dheddig | Noun Feminine]
1. ld miid. 2. Meel yar oo biyo qabatin leh.

miir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Hoore gufur ka saarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version