miis
(Magac Lab | Noun Masculine)1. ld miisad. Qalab ka samaysan alwaax, bir, ama wax kale oo fidsan lugo ku taagan oo siyaalo kala geddisan loogu isticmaalo xafiisyada iyo guryaha. 2. Xoogaa cunto ah oo beegan oo aan bislayn. 3. Heer nolosha laga gaaro. 4. Meel dad koox ahi cunto loogu sameeyo. 5. ld miisid.
miis
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-say, -stay)Cunto beegid.
Khamiis*
Dhar ama wax lagu talagalay nimanku inay Xirtaan gaarahaan nimanka Muslimiinta ah
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh miis ↴
saabaan [m.l.w]
Alaabta guryaha la dhigto oo ay
ka mid yihiin kuraasta, miisadaha, sariiraha iwm oo lagu dhaqmo. ld saa-maan. saa-maan
waafi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
W. ah: cabbir, qiyaas miisaan iwm aan wax ka dhinayn ee weliba buro weheliso.
afmiishaar [m.l]
ld afmiinshaar.
afmiishaarayn [m.dh]
ld afmiinshaarayn.
afmiishaaree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
ld afmiinshaaree.
afmiishaarnimo [m.dh]
ld afmiinshaarnimo.
alaab [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qalabka guriga looga adeegto. 2. Waxyaabaha qofka u gaarka ah sida sanduuqa, dhar, miis, sariir iwm. ld alaabo.
alwaax [Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective]
Qoryo xalleefsan oo si gaar ah loo qoro oo laga sameeyo qalabka guryaha sida, sariiraha, kuraasta, albaabyada, miisaska iwm.
baraf-dhagax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.
beeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Suus, madaal, shood iwm wax ku miisid. 2. Ku b.: wax, wax kale ku toosi. beegaal heerkul cadaadis (B.H.C.) m.l (fiis.) (B.H.C.) Beegalka heerkulka iyo cadaadiska oo hore loo odhan jirey heerkulka iyo cadaadiska caadiga ah, waa xaaladda beegaal ee loo adeegsado furfurista xisaabeed ee xaddiyada isla beddela heerkulka iyo cadaadiska, marka la is barbar dhigayo astaamaha neefaha. Xaaladdaasi waa marka heerkulka yahay (273.15 K ama 0øC) iyo cadaadis (760 mm Meerkuri ah).