milic
(Magac Dheddig | Noun Feminine)1. Qorrax. 2. Kulka fallaaraha qorraxda.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh milic ↴
balac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Daymo, milicsi. 2. B. ka sii/b. ku sii: bal fiiri.
balacso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -salay)
Daymoo; dhugo; milicso; ilkuxad.
dhaandabaggaale [m.l]
Dhaldhalaal biyo la moodo oo samaysma marka milicda kulul ee qorraxdu ku dhacdo meel yara durugsan; wirwir.
ilmilicsi [m.l]
ld Ilbiriqsi; ld milicsi.
milicsad [Magac Lab | Noun Masculine]
ld milicsasho.
milicsasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg milicso. ld milicsad, milicsi.
milicsi [Magac Lab | Noun Masculine]
ld milicsasho.
milicso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax laabtu u bogtay eegistooda isha la raacid. 2. Wax deg-deg u eegid.
mil [Magac Lab | Noun Masculine]
Milme hoore lagu qasay natiijada ka soo baxda.
mil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
Adke milme ah, sida sonkor, cusbo iwm hoore ka dhigid.